Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo ciidamo iyo gaadiid dagaal u dirtay degaan lagu arkay Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ayaa maanta gaaray degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag halkaasoo shalay ay weerartay Al-shabaab

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ay gudaha u galeen degaanka Milxo islamarkaana fariisimo ciidan ka samaysteen.

Xaaladda degaanka Mllxo ayaa hadda deggan waxaana ciidamadu halkaas ka wadaan hawlgal ka dhan ah kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan hareeraha degaanka.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo shalay weerartay degaankaas ayaa isaga laabtay ka hor inta aysan Ciidamadu gaarin sida ay xaqiijiyeen saraakiisha difaaca Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=OmzK7b1jD5I&t=240s

Related posts

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo la kulmay Saraakiil katirsan AMISOM (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulankkii RW Rooble iyo Wakiilada beesha caalamka?

Caydiid Ali

Winnie Mandela oo geeriyootay, iyadoo 81 sano jir ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---