Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka Somalia oo maanta yeelanaya kulan qodob xasaasi ah looga doodayo

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda Magaalada Muqdisho iyagoo ka doodaya qodob ku saabsan amniga Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Baarlamanka maanta oo Isniin ah, isla markaana ajandaha kulanka uu yahay amniga Muqdisho oo maalmahan sii xumaanaya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa maalmo ka hor sheegay in kulanka looga hadlayo amaanka Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa u soo beegmayaa Xili mudooyinkii ugu dambeeyay uu sii xumnaanayey amaanka Magaalada Muqdisho ka dib markii ay ku soo bateen dilal iyo qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarumaha degmooyinka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo amar cusub ku soo rogay degaanada Puntland

Caydiid Ali

Dowlada oo Shaacisay Magacyada Saraakiil Ajaaniib ah oo Al Shabaab howlgal looga dilay

Cabdi Cade

Finland oo taageero hor leh u ballanqaaday Hayádda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---