Maxaa baajiyey shirkii wada tashiga ahaa ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo?

Shirkii wadatashiga ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada  ayaa dib u dhacay

Shirkan oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho  ayaa dib u dhaciisu uu yimid  ka dib markii madaxda Maamul goboleedyada oo iman Muqdisho ay soo saareen shuruudo ay ku xireen ka qeyb galka shirkaas oo ay ka yihiin in ammaanka Muqdisho aanan la isku haleyn karin, isla markaana loo baahan yahay garab Saddexaad oo dhexdhexaadiya dowladda federaalka iyo madaxda mamaul goboleedyada.

Qodobbada looga hadli lahaa shirka waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah  Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhan yahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan lahaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. qodobadan ayaa ahaa kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Madaxda maamul goboleedyadda oo shir ku yeeshay dhowaan magaalada Kismaayo ayaa kaga dhawaaqay inay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, iyagoo eedeymo kala duwana u jeediyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -