Madaxweyne Deni oo amar cusub ku soo rogay degaanada Puntland

Wararka ka imaanaya maamulka goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni uu soo saaray amar uu ku joojinayo dhammaan kulamada siyaasadeed iyo kuwa bulshada.

Arrintan ayaa waxa ay la xiriirtaa cabsi laga qabo caabuqa dunida ku baahay ee Covid19, isagoo golaha wasiirada u sheegay in aysan qaban karin gebi ahaanba kulamadoodii siyaasadeed ee ay ku qaban jireen deegaannada Puntland mudo 15 cisho ah.

Deni ayaa sidoo kale sheegay in la fasaxay muddo todobaad ah ardayda wax ka barata iskuulada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa waxa uu bulshada deegaanada reer Puntland ku amray in ay joojiyaan kulamada ay isugu yimaadaan, sida xafladaha kala duwan iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto, arrintan ayaa uu sheegay in uu uga gol leeyahay ka hortagga caabuqa Coronavirus.

Arritan ayaa imaanaysa xilli ay toddobaadkan gudahiisa ay xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday in hakad ay gelisay dhammaanba duulimaadyadii dalka iyo shaqooyinkii dawlada, sidoo kalena ay fasaxday dhammaanba goobaha waxbarashada dalka cabsi la xiriirta caabuqa Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -