Allbanaadir.com
NEWS

Finland oo taageero hor leh u ballanqaaday Hayádda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pirkka Tapiola iyo Ku-xigeenkiisa, Marwo Elli Mikkola.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Finland taageerada ay ku bixiso horumarinta kaabayaasha HSJ, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta labada dhinac. Waxa uu sidoo kale kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta xirfadda saraakiisha iyo tayeynta adeegyada xuduuddaha iyo socdaalka.

Danjiraha Finland Pirkka Tapiola ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud ee Hayádda Socdaalka iyo Jinsiyadaha  soo dhaweynta diirran, isagoo xaqiijiyay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sidoo kale, waxa uu xusay safiirka in wafdi ka socda Waaxda Socdaalka ee dowladda Finland ay dhawaan booqan doonaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,  si ay u sii xoojiyaan wada shaqeynta labada dhinac.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo shaaciyay in duqeyn lagu dilay Cabdallah Muslih al-Rifai

Cabdi Cade

Puntland oo ka hor timid qodobadii ka soo baxay isimida ee lagu xalinayey khilaafka PSF

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo dhoolatus ku soo bandhigay Xeebta garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---