Wasiirka Difaaca oo sheegay in Dilka Cabdulaahi Nadiir loogu aarayay Farxaan Qaroole iyo..

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday degaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe, lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo kamid ahaa hoggaanka ugu sareeya kooxda Al Shabaab.

Wasiirka gaandhaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dilka loo geestay Cabdullaahi Nadiir uu ahaa mid loogu aarayay Jeneraal Farxaan Qaroole, Nabadoon Cilmi Hagar iyo dadkii kale ay Al Shabaab dileen.

”Dilka Cabdulaahi Nadiir oo ahaa madaxii hore ee dacwada hadana ahaa madaxa Jabahaadka iyo iskuduwaha dhamaan howlaha khawaarijta, wuxuu bilow u yahay in loo aaro shuhadada uu ugu horeeyo Farxaan Qaroole, Cilmi Hagar Guure iyo dhamaan Shuhadada ku maqan gacmaha Khawaarijta.” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo si weyn ugu faraxsanaa dilka hoggaamiyahan sare ee katirsanaa Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in hadda ay xisaab kow tahay si weyna loo beegsan doono Al Shabaab.

Dilka hoggaamiyahan katirsanaa Al Shabaab ayaa imaanaya maalin kaddib markii qarax miino oo ka dhacay deegaanka Basra lagu dilay taliyihii booliiska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Qaroole.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -