Booliska Muqdisho oo qabtay nin ku eedeysan fal dambiyeed culus (Daawo Sawirro)

Ciidanka Boliska Muqdisho ayaa soo bandhigay nin lagu eedeynayo inuu xaday ilmo yar kaasoo ay hadda ku socoto baaris.

“Taariikhdu markay aheyd 28/6/2023 abaaro 17:00 saldhiga  ciidanka Booliiska wadajir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane  canug yar xaday Waxaana la horgeyn doonaa cadaalada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska.

Laguma sheegin qoraalka magaca eedeysanaha iyo faahfaahin ku saabsan qaabka uu u dhacay fal dembiyeedkaas..

Dhinaca kale, Booliska ayaa sheegay iney sidoo kale soo qabteen nin xaaskiisa u geystay dhaawacyo khatar ah.

29-06-2023 Abaaro 08:15pm Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska Xamar jajab ayaa howgal qorsheysan kusoo qabtay eedeysane dhaawac u geystay xaaskiisa kadib muran qoys oo dhex maray. Eedeysanaha oo ay boliisku gacanta ku hayaan ayaa la waafajin doonaa hab-raaca sharci hadduu alle idmo, marka baarista galkiisa lasoo gabagabeeyo” ayaa lagu yiri qoraalka Boliska.

Dhinaca kale Booliska ayaa ka codsaday shacabka iney soo wargeliyaan haddii ay arkaan dad ku kacaya falal amaanka lidi ku ah.

“Muwaadin waxaan kaa codsaneynaa haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah, warbixin gaarsii saldhigga boliiska ee kuugu dhow ama la xiriir xafiiska adeegga gurmadka 991” ayaa qoraalka lagu soo gebagebeeyey.

- Advertisement -