Somaliland oo daahfurtay Mashruuc ku kacaya 7.5 Milyan oo dollar (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka , Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasoo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaaran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka qeyb galay munaasibad ay soo agaasintay Dawladda hoose ee Degmada Berbera taasoo lagu daah-furaayey Mashruuca Berbera Urban Development oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub kaasoo ku kacaya 7.5 milyan oo dollar.

Waxaa loogu talo galay mashruucan hannaanka bilicda horumarinta Magaalada Berbera.

Waxaa isna madasha goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -