Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Musiibo ka taagan Canada oo halis Caafimaad ku haysa Malaayiin Mareykan ah

Ku dhowaad, 30% shacabka ku nool Maraykanka ayay saamayn ku yeelatay Khamiistii, hawada oo wasakhawday taas oo ay ugu wacan tahay qiiqa ka imanaya kaymaha gubanaya ee dalka Canada. Gobollo badan oo ku yaalla bartamaha iyo dhinaca bari ee Maraykanka ayaa laga dareemayaa qiiqa oo sidii ceeryaamo oo kale noqday.

Canada waxaa gubanaya, dhul aad u ballaadhan oo kaymo ah, kaas oo lagu qiyaasay illaa 8 million oo hecter.

Khubarada caafimaadka ee Maraykanka ayaa ka digaya, halis caafimaad oo ka dhalan karta, wasakhawga hawada, taasoo gobollada qaarkood ay keeni karto xaalado caafimaad oo halis ah.

Gobollo badan oo Maraykanka ah, ayaa shacabkooda la wadaagay fariimo ogaysiis ah oo ay uga digayaan, tayada hoosaysa ee hawada, taasoo ay sheegeen inay socon doonto illaa saqda dhexe ee Khamiista.

In ka badan 100 milyan oo qof oo Maraykan ah ayaa lagu booriyey inaanay wakhti badan debedda ku qaadan, isla markaana ay badsadaan joogitaanka, goobaha dedan ama xidhan ee aanay soo geli karayn hawada wasakhaysani. Dadka u baxaya debedda ayaa lagula taliyey inay xidhaan afxir ama face Mask.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Frank oo shaaciyey in dalkiisu iska xoreeyey COVID-19

Caydiid Ali

“Liiska 15-ka Xildhibaan ee la xanibay ayaa la igu daray, anigoo ka maqnaa kulankii shalay”

Caydiid Ali

Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaarada Amniga iyo Gudaha

admin
Taboola Ads ---