Siyaasi caan ah oo ku baaqay in Madaxda dowlad goboleedyada la mariyo wadadii Cabdi Maxuud Cumar

Qoraal ah uu ku soo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin waxaa uu kaga hadlayay xaalada Soomaaliya isagoo si kulul u eedeeyay Madaxda Maamul Gobaleedyada.

Waxaa uu tilmaamay Faarax Macalin in in hogaamiyeyaasha dowlada gobaleedyada ee kala ah Gaas, Madoobe, Shariif Xasan Waare iyo Xaaf la mariyo wadadii uu maray  Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar.

“Waddo kale uma  furna Waa inay taageeraan dowladda Federaalka Soomaaliya ama ay ku dambeeyaan halka la mariyay Cabdi Maxamuud” ayuu yiri Faarax Macalin.

Waxaa uu soo hadal qaaday isbedalada uu sameeyay RW Itoobiya  Abiye Axmed, waxaana uu sheegay in uu xilka ka qaaday taliyeyaashii Ciidanka Itoobiya ee ku jira AMISOM, isagoona xusay iney xiriir dhow la lahaayeen Al-Shabaab.

Hadalka Faarax Macalin ayaa ku soo aaday xili madaxda dowlad goboleedyada dalka oo dhowaan ku shiray magaalada Kismaayo ay sheegeen iney xiriirka u jareen dowlada federaalka, iyagoo eedeymo kala duwan u jeediyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -