Shirkad Maraykan ah oo magdhow Milyan dollar gaaraya siineysa shaqaale Soomaali ah

Shirkad ka shaqeysa hilibka iyo cuntooyinka kale oo laga leeyahay Wadanka Mareykanka ayaa ogolaatay inay bixiso lacag dhan hal million oo dollar oo magdhow ah taasoo ay siineyso shaqaale Soomaali u badan oo dacwad ka gudbiyey.

Guddiga Mareykanka u qaabilsan sinaanta shaqadda ayaa ku dhawaaqay inay shirkaddu diyaar u tahay magdhow iney siiso shaqaalaha ka dacwooday.

Shaqaalaha oo u badan kuwo Soomaali ah ayaa ku eedeeyey shirkadda hilibka Cargill inay u diiday inay salaadda tukadan, taasoo keentay in qaar shaqaalaha ka mid ah shaqadda ka tagaan.

Shirkadda oo lagu magacaabo Cargill ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay shaqaale muslimiin ah oo tiradoodu dhan tahay 130 qof oo Soomaali u badan, waxaana shirkaddu garwaaqsatay iney qalad ka gashay shaqaalaha loo diiday salaadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -