Muxuu Madaxweyne Xaaf ka yiri xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyey?

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo ku shiray magaalada Cadaado ayaa sheegay inay galabta xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmugug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Shirka waxa gudoominayay Cali Gacal Casir oo daraad koox kale oo Xildhibaano ah oo ku shiray Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

Hasa yeeshee madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si kulul u beeniyay in xilka laga qaaday, Waxa uu sheegay in xildhibaano aysan joogin Cadaado isla markaana Cali Gacal Casir uusan ahayn gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug maadaama buu yiri maalmo ka hor xilka laga qaaday.

“Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah,” ayuu yiri Mr Xaaf.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Maamulka Galmudug ayaa mar kale lugaha la galay fowdo siyaasadeed oo ka dhalatay khilaafka ka dhex aloosnaa maamulkaas kaasoo ka sii daray tan iyo markii la soo gebagebeeyey shirka madaxda dowlad goboleedyadu ku yeesheen dhowaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -