José Alberto “Pepe” Mujica Cordano, waa Beeraley iyo Siyaasi, waxa uu dhashay 20 May 1935, waxa uuna ku dhashay magaalada “Montevideo” ee ah caasimadda waddanka Uruguay, ee dhaca qaaradda Koonfur Amerika. Sidoo kale waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa qoomiyadda Spanish-ka, waxa uuna ahaa madaxwaynihii 40aad ee Uruguay laga soo bilaabo 2010 ilaa 2015.

José Mujica wuxuu xafiiska madaxweynaha Uruguay fadhiistay bishii Maarso 2010, laakiin waligii ma uusan u dhaqaaqin in uu dago qasriga madaxweynaha Uruguay loogu tala galay, qasrigaa oo ku yaala magaalada caasimadda ee Montevideo. Arinkaa bedelkeeda, asiga(Mujica) iyo xaaskiisa “Lucía Topolansky” wuxa ay doorbideen oo ay ku noolaayeen beertooda iyo gurigooda yar ee isasaaran oo ku yaala bannaanka magaalada caasimadda Montevideo.

Jose Majica wuxa uu u isticmaalaa gaadiid ahaan gawaarida la wadan jiray 1987 oo lagu magaacbo “Volkswagen Beetle”macnaheedu tahay “Baabuurta dadka”(Fatara-kuuseey) kaa oo qiimo ahaan ku fadhiyo xiligiisi $1,800. Mujica ayaa nin carab ah oo hantiile ah u soo jeediyay in uu gaarigiisa (Volkswagen Beetle) uu ka iibiyo una gaaray $1milyan in uu ka siiyo, balse wuu ka diiday in uu ka iibiyo Mujica.

Markii uu xafiiska qabtay sannadkii 2010, Mujica waxa uu mushaar ahaan bil walba ulahaa $12,000, balse 90% waxa uu ku bixin jiray kaalmo gargaar iyo kabidda ganacsatada yaryar ee reer Uruguay, asiga waxa uu qaadan jiray $800, halka uu celcelis ahaan mushaarka shaqaalaha Uruguay-na uu yahay $775.

Jose Mujica iyo xaaskiisa ayaga ayaa ka shaqeeya beertooda oo fasha, waxa uu suuqa geeyaa oo uu iibiyaa ubax nuuciisu lagu magacaabo “Chrysanthemums” oo ay asaga iyo xaaskiisu beeraan. sidoo kale madaxwayne Jose Mujica asiga ayaa samaysta gaarigiisa oo iska hagaajiya inta uusan wadan. Sidoo kale waxaa beertooda kula nool eygooda oo ah mid caan ah oo sadax lugood-leh, laguna magacaabo Manuela.

Jose Mujica marka uu noqday madaxwayne, heerka saboolnimada oo hoos u dhacday xilligii Vázquez(Madaxwaynihi ka horeeyay), ayuu sii waday in uu sii dhaco, taas oo maraysay 19 boqolkiiba tirada dadka 2010-kii saboolka ahaa, balse gaarsiiyay in ka yar 12 boqolkiiba sannadka 2013. Sidoo kale Mushaarka ugu yar wuxa uu kor u kacay boqolkiiba 50 intii lagu jiray xiliga uu xilka hayay madaxweyne Mujica. Uruguay ayaana noqtay dalka labaad ee ugu musuqmaasuqa yar dalalka Koofurta America, ayada oo sameysay kobac dhaqaale oo xooggan intii uu José Mujica madaxwayne ka ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -