Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamo huwan ah oo goordhaw Al Shabaab kala wareegay Deegaanka Qaayib

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah oo watay gaadiid dagaal oo aad u badan ayaa dhoor jiho ka galay deegaanka Qaayib oo fariisib muhiim ah u ahaa Al Shabaab in muddo ahna halkaasi ka talinayay.

Dagaalyahanada kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay in deegaanka isaga baxeen kahor inta aysan soo galin ciidamada huwanta ah, waxaana wararka qaar sheegayaan in Al Shabaab burburiyeen ceelashii deegaankaasi iyo xarumo kale.

Saraakiil hoggaamineysa  ciidanka goordhaw la wareegay deegaanka Qaayib ayaa sheegay in ay kusii daba jiraan firxadka ah Al Shabaab, waxa ayna xuseen in howlgalkooda in uusan kaliya ku ekeen la wareegida deegaanka ayna sii soconayaan.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaanada beeshaasi degto ee kuyaalla Galgaduud iyo Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF & dowlad goboleedyada oo Shir heer Wasiir ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhismaha Waddo muhiim ah oo kutaalla Muqdisho oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

ATMIS oo war kasoo saaray dad ay arxandarro u dileen askartooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---