Xildhibaano ku shiray Cadaado oo sheegay iney xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf

Xildhibaano ku shiray magaalada Cadaado oo tiradooda lagu sheegay 47 xildhibaan ayaa sheegay inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Kulankan ayaa waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir oo dhowaan xildhibaano kale oo ku shiray Magaalada Dhuusamareeb ay shaaciyeen iney xilkii looga qaadeen.

Masuuliyiinta kala qeybsan ee Maamulka Galmudug ayaa caado ka dhigtay xilka ka qaadis u muuqata mindi mindi ku taag iyo fowdo siyaasadeed.

Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka maamulka Galmudug oo taageersan Madaxweyne Xaaf ayaa soo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay.

Xildhibaano lagu sheegay 97 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay ku eedeeyeen in uu burburinaayo maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa qabtay Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Ku dhowaad sanad ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale masuuliyiinta Galmudug oo iskhilaafay ay isku sameeyeen xilka qaadis markii dambem laga soo qaaday waxba kama jiraan, waxaana madaxda Galmudug ay u muuqdaan kuwo aan cashar ka baranin khilaafaadkii horey u soo maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -