Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya oo loo qaaday Turkiga (Daawo Sawirada)

Saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu qaaday dalka Turkiga, waxaana saraakiishan garoonka Aadan Cadde kusii sagootiyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Diyaarad milatari oo leedahay dowlada Turkiga ayaa garoonka Aadan Cadde ka qaaday 49-saraakiil iyo saraakiil xigeeno, waxaana saraakiisha tababar dheeraad ah kusoo qaadan doonaan dalka Turkiga.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa garoonka kula dar daarmay saraakiisha Milatari ee Turkiga loo qaaday, waxa uuna sheegay in looga baahan yahay saraakiishan in ay kasoo faa’iideestaan tababarka loo qaaday.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Turkiga dowlada gacan weyn ka siisaa tababarida ciidanka , waxaana Muqdisho Turkiga uga furan saldhig aad u weyn oo ciidanka dowlada lagu tababaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi caan ah oo katirsan Ahlu Sunna oo saakay loo doortay Xildhibaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Jubbaland oo lagala noqday Baasaboorka Diblumaasiga

Cabdi Cade

Puntland oo shaacisay in ay qabaneyso doorashada 10-kursi xili Khilaaf jiro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---