Garsoorayaal lagu hor dhaariyey guddoomiyaha Maxkamada sare (Daawo Sawirro)

Munaasabad ka dhacday maanta Xarunta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa lagu dhaariyay Garsoorayaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo dhawaan is ku shaandhayn lagu sameeyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka, Wasiirka Caddaaladda, hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta , ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, kusimaha Xeer- Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Dhammaan howl-wadeennada Caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo dhaariyay xubnihii xilka ku kala wareegayay ayaa kula dardaarmay in ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan si daacad ah.

Sidoo kale  Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan, Baashe Yuusuf Axmed  ayaa xarigga ka jaray Xafiisyo cusub oo ay yeelan doonaan waaxyaha Maxakamadda Rafcaanka Gobolka Gobolka Banaadir iyo Maxakamada Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -