Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin gabar maalmo badan Afduub ahaan u heestay

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Dharkeenley ayaa gacanta ku dhigay nin afduub u geestay gabar dhallinyaro ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada qabteen ninkan oo afduub muddo toban maalin ah u heestay gabar, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan sharciga la marsiin doono.

“Taariiqdu markay aheyd 17/6/2023 abaaro 22:10pm ayaa ciidanka boliiska qeybta guud ee gobolka banaadir gaar ahaan qeybta galbeed ee saldhiga dharkeynlay howgal ay fullinayeen ayaa waxa ay ku soo qabteen eedeysane afduub ku haystay gabar kasoo haystay mudo 10 maalmood ah
waxaana la marsin donaa caddaalada”ayaa lagu yiri warka booliiska.

Ciidanka booliiska ayaa marar badan gacanta kusoo dhigay kooxo dad afduubtay, burcad iyo sidoo kale dad ka ganacsada maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan.

Related posts

Muxuu Shiikh Shariif ka yiri go’aanka golaha shacabku ku joojiyey Muddo kororsiga?

Caydiid Ali

James Swan oo War ka soo saaray talaabooyin ay dhowaan qaaday dowlada Somalia

Caydiid Ali

Dadka dilalka siyaasadeed ka fuliya Kismaayo iyo kuwa soo abaabula oo xogtooda la hayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---