Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Shiikh Shariif ka yiri go’aanka golaha shacabku ku joojiyey Muddo kororsiga?

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo dhoweeyey go’aanka golaha shacabka ay maanta gaareen oo dalka dib ugu celiyey heshiiskii doorasho ee 17 September, loogana laabtay muddo kororsiga.

Qoraal ii bartiisa facebook soo dhigay Shariif ayaa u qornaa sidatan:

Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka golaha shacabka ay maanta gaareen oo dalka dib ugu celiyey heshiiskii doorasho ee 17 September.

Waa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaadey, oo mudan in lagu bogaadiyo cid kasta oo qayb ka ahayd.

Waxaan in muddo ah aan u taagnayn sidii heshiiskaas loogu laaban lahaa oo uu yahay xalka kaliya ee doorasho ee aan haysanno.

Waxaan markale ku celinaynaa in heshiiskaas iyo fulintiisaba ay tahay in ay iska fahmaan Xukuumadda xilgaarsiinta, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda ee Dalka.

Ugu dambeyntii waxaan umahad celinayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-gaarsiinta, madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe, Saamileyda Siyaasadda iyo beesha caalamka oo go’aan mideysan ka qaatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Musharaxiinta Xildhibaanimo iyo Ergada Dooraneysa oo baaris la marsiinayo

Cabdi Cade

Ahlu Sunna oo Gudoomiye Baarlamaan ku dooratay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ergeyga cusub ee QM u soo Magacowday Somalia oo Muqdisho soo gaartay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---