James Swan oo War ka soo saaray talaabooyin ay dhowaan qaaday dowlada Somalia

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay dhowaan ku dhawaaqday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si wax looga qabto musuqmaasuqa.

Golaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan ansaxiyay Istaraatiijiyadda Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (NACS) oo loogu talagalay in lagula dagaallamo musuqmaasuqa; xoojinta daacadnimada hay’adaha; in la dhiso hami ku saleysan horumar, adeeg shaqaale rayid, si loo xaqiijiyo hufnaanta maamulka maaliyadda dadweynaha; iyo kobcinta dhaqanka isla xisaabtanka.

DF ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay damacsan tahay inay ku biirto oo ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (UNCAC), oo ah midka keliya ee adduunka si sharci ah musuqmaasuqa lagula dagaalamo. Intaa waxaa sii dheer, DF waxay ansaxisay heshiiskii Midowga Afrika ee Ka Hortagga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa (AUPCC), kaasoo la saxiixay 2006 laakiin illaa hadda lama ansixin.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, wuxuu yiri “Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay la dagaallanka musuqmaasuqa, u suurta gasho helitaanka caddaalad iyo fursado, iyo kalsooni lagu dhiso hay’adaha dowliga ah.”

“Kuwani waa talaabooyin muhiim ah Qaramada Midoobayna waxay ku dhiirrigelineysaa dhammaan laamaha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah federaalka inay qaadaan tillaabooyin dheeri ah oo lagu ilaaliyo laguna ballaarinayo daahfurnaanta, sharafta iyo isla xisaabtanka maareynta maaliyadda guud iyo Kheyraadka, Waxaan sugeynaa hirgelinta ballanqaadyadan oo ay ka mid yihiin kor u qaadista qaab dhismeedka sharciga iyo hay’adda si looga hortago musuqmaasuqa, oo ay weheliso hirgalinta adag iyo tallaabooyin ciqaab ah. ” ayuu raaciyay.

xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto hirgelinta hay’adda NACS, iyo sidoo kale howsha horseedda ansixinta UNCAC, waxayna ku amaaneysaa Dowladda Federaalka tallaabooyinkaan lagula tacaalayo musuqmaasuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -