Dadka dilalka siyaasadeed ka fuliya Kismaayo iyo kuwa soo abaabula oo xogtooda la hayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa ka dhacay dilal, dhaawac iyo xarig loo geestay Odayaal iyo dad kale oo la sheegay in aragti ahaan kasoo horjeedaan Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe.

Waxaa cabsi xoogan hada lasoo daristay xubnaha Isbaheysiga isbadal doonka ah ee Kismaayo uga dhawaaqeen Musharaxiintii Madaxweynaha Jubbaland, waxa ayna xubnahan ka cabsi qabaan in dil iyo dhibaato kalaba kala kulmaan maamulka Kismaayo kataliya

Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo Kismaayo loogu doortay in Madaxweyne ka noqdo garab kamid ah Jubbaland ayaa sheegay in ay kordheen beegsiga iyo hanjabaadyada lagu hayo xubnaha isbadal doonka ah.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Xidig in Kismaayo lagu dilay laguna dhaawacay dad badan oo kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe, waxa uuna tilmaamay in hanjabaadyada iyagu xadkii ay dhaafeen saacad walbana loo hanjabo xubnaha isbadal doonka ah.

Xidig ayaa shaaciyay in ay diiwaan galiyeen dadka lagu dilay Kismaayo , kuwa lagu dhaawacay iyo kuwa dhibaatooyinka kalaba loo geestay, waxa uuna xusay in ay hayaan magacyada, sawirada iyo halka ay ka yimaadeen dadka dhibaatooyinkaasi geestay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka warhayaan dadka soo dira kuwa dhibaatada ku haya dadka ka argti duwan maamulka Kismaayo ka arimiya, waxa uuna cadeeyay in liiskooda la hayo ayna dhici doonto in mar un lala xisaabtamo dadkaasi dambiyada galay.

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay xiligii doorashooyinka socdeen iyo kadiba dilal qorsheesan oo loo geestay odayaal iyo dad kale oo la tuhmayo in ay siyaasad ahaan kasoo horjeedeen dib u doorashada Sheekh Axmed Madoobe.

 

- Advertisement -