Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday magaalo kutaala Hindiya !!

Mid kamid ah ragga kunool magaalo kutaal wadanka India ayaa soo galay saldhig ay joogeen ciidamada booliska isagoo jawaan ku siday madaxa haweeneydiisa uu soo jaray, islamarkaana gacanta sidoo kale ku watay Baangaddii uu kusoo dilay. isagoo ku eedeynayay iney khayaantay.

Satish ayaa watay jawaan uu dhiig badani ka da’ayay , isagoo hadba dhinac u walfinaya aadna u qeylinayay .

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay inuu jiro 35 sano, ayaa muuqaallo ay Camer-ad duubtay waxaa la arkayay isagoo usoo dhawaanaya mid kamid ah ciidamada Booliska.

Muuqaalka la duubay waxa uu bidhaaminayaa ninkan oo soo galaya saldhigga booliska Magaalada kutaalla Bariga India ee Ajjampura , waxa uuna askari ka tirsan Ciidamada uu ku leeyahay “Mudane tani waa xaaskeyga Roopa, waxaan siiyay dhammaan wixii jaceyl ah oo aan karay, Laakiin waa ay i khiyaantay”.

Jawaankii uu lalminayay ayuu madaxeeda kasoo bixiyay waxa uuna leeyahay “Dareenkeyga ayaa aad u kacay markii aan ku arkay nin kale ”

Hadalkiisa ayuu sii watay waxa uuna yiri “Ninka aan ku arkay waxaa la yiraahdaa Sunil , xitaa waxa ay soo qaaday lacag deyn ah oo gaareysa Ā£3,170(Sadax kun boqol iyo todobaatan Yuro) waxeyna siisay jaceylkeeda”.

Ciidamada ayaa xiray kadib markii ay ku raadiyeen oo ay heleen qeybtii kale ee jirkeeda, waxeyna hadda ku hayaan baaritaanno dheeraad ah.

Taliye lagu Magacaabo Ramachandra Nayak ayaa waxa uu sheegay in booliska ay la kulmaan Kiisas badan, laakiin arrintan ay tahay mid ku cusub.

W/Q:-Abdulaziz Ahmed Barrow

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -