Xildhibaanada maamulka Hirshabelle oo ku dhegan Madaxweyne Waare

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa u yeeray Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare si ay waxyaabo badan uga weediiyaan dib u dhaca iyo fashilka ku yimid maamulka uu hogaamiyo.

Cali Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Xildhibaanada u yeereen Madaxweynaha si Baarlamaanka hortiisa Su’aalo loogu weediiyo.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxweyne Waare wax laga weediin doono xaalada amni ee Hirshabelle iyo dib u dhaca iyo fashilka ku yimid maamulkaasi kadib doorashadii Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa sidoo kale kasoo horjeestay go’aankii uu qeybta ka ahaa Madaxweyne Waare ee lagu hakiyay Wadashaqeyntii maamulada dalka la lahaayeen Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -