Baarlamanka Galmudug oo maanta ka doodaya Mooshinka ka yaalla guddoomiye Cali Gacal Casir

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta waxay kulan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka baarlamaanka, isla markaana ajandaha kulanka uu yahay ka doodista mooshinka ka yaalla guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxaa xalay ilaa iyo saaka Magaalada Dhuusamareeb ka soconayay kulamo ay isugu yimaadeen xildhibannada qaarkood , maadaama 89 xildhibaaan ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Qaar ka mid ah Xidlhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in xalay Magaalada lagu qabtay Kulamo looga hadlayay sidii laga yeeli lahaa mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Cali Gacal Casir ayaa ku gacan seyray mowshinka laga keenay isagoo xusay iney been abuur tahay tirade la sheegay iney mowshinka wadaan, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in mooshinkan uu gadaal ka riixayo Madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khilaaf Siyaasadeed oo gaamuray uu kala dhexeeyo Gudoomiye Casir iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Carabey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -