Ciidanka gaarka ah ee NISA oo howlgal uu dhiig ku daatay xalay ka fuliyey Sh/hoose

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA  ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xalay Degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose kaasoo la sheegay in lagu dilay Xubin ka tirsan Alshabaab halka kuwa kalena lagu dhaawacay, sida uu sheegay Taliska NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan lala beegsaday koox ka tirsan Al-shabaab oo ku Howlanaa Weeraro ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

“Howlgal uu ciidanka amnigu ka fuliyay Deegaanka Mubaarak ee Gobalka Shabellaha Hoose habeenimadii 11-ka Sebtembar, ayaa israsaaseyn kadib waxaa lagu dilay xubin Al-shabaab ah kuwa kalana lagu dhaawacay, Kooxdaan ayaa ku howlanaa diyaarinta weeraro ay ka gaysataan magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA.

Taliska NISA ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay dib kaga soo baxeen Degaanka Mubaarak si Shacabka aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka.

“Ciidamada amniga ayaa dib uga soo baxay dagaalka si aysan shacab wax uga soo gaarin., waxaana ka go’an inay shacabka ilaaliyaan halka Alshabab ay had iyo jeer beegsadaan dadka rayidka ah kuna dhax dhuuntaan” ayaa sidoo kale qoraalka lagu yiri.

al-shabaab kama hadlin weerarkan, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya qaabka uu howlgalkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -