Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dowlad goboleedka K/Galbeed oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah dowlada federaalka

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay iyadoo tixraaceysa shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gebagabeeyay Sabtidii inay hakisay xiriirkii wadashaqeyneed ee kala dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay magaalada Baydhabo kulan deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ay ku yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi.

Waxaa kulankaas shir guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna cod gacan taag ku anisixiyeen in xiriirka loo jaro dowlada dhexe oo ay ku eedeynayaan iney arrimo dhowr ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhamaan shaqaalaha Wasaaradaheeda ku wargelisay in aysan wax wada shaqeyn ah la sameyn karin dowladda federaalka Soomaaliya illaa amar dambe.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaaday talaabadan oo kale, waxaana qaarkood ay sidoo kale diideen iney ka soo qeyb galaan kulanka uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo, waxaana dad badan ay isweydiinayaan halka dowlad goboleedyadu u socdaan haddii ay diideen dowladii ay qeybta ka ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & danjire Nicolás Berlanga? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirro laga soo qaaday goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii ka dhacay Baledweyne

Cabdi Cade

Wariye Caan ah oo Wareestay Jeneraal Abuukar Xuud oo Caawa la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---