Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada NISA oo muddo kooban xiray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir 

Ciidamo katirsan Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaamuddo kooban magaalada Muqdisho ku xiray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale iyo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Sayidcali Macalin Cabdulle.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada Nabad sugida ayaa gudaha Hotelka Maka Al Mukarama kasoo xiray labadan masuul ee hogaamiyaha Xisbiga Wadajir uu xubin muhiim ah ka yahay Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur Warsame.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Siyaasiga C/Raxmaan C/shakuur Warsame ayuu ku xaqiijiyay in Ciidamada Nabad sugida xabsiga dhigeen Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin oo horey usoo noqday Maareeyaha Dekadda Muqdisho.

hase ahaatee ciidamada Nabad sugida ayaa wax yar ka dib sii daayey labada nin, lamana oga sababta keentay xarigooda iyo sii deynta ka dambeysay.

labadan Masuul ee katirsan Xisbiga Wadajir ayaa dhawaan Maxkamada ciidamada qalabka sida ka dacweeyeen Kusimaha Taliyaha ciidanka Nisa iyo sarakaiil kale oo ka tirsan Nabad sugida.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo Ciidamo badan geenaysa Boqortooyada Sacuudiga

Cabdi Cade

Nin toorey ku hubeysan oo dalxiisayaal British ah & dad kale ku dooxay Paris (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---