Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil ka qaadis ku sameeyay Maxamed Xasan Qoone

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Maxamed Xasan Qoone oo horey usoo noqday xildhibaan heer Federaal , ayaa kasoo jeeda Hirshabelle gaar ahaan magaalada Baladweyne, waxaana xil ka qaadista hadda lagu sameeyay la tilmaamay in ay salka ku heyso arrimo siyaasadeed.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Max’uud Cumar oo maanta la soo taagayo Maxkamad ka sareysa tii hore

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo nolosha lagu qabtay isaga iyo hubkiisa

Cabdi Cade

Wariyaal Idaacada Al Shabaab u shaqeenayay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---