Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW ku xigeenka Somalia oo shirweyne Qaran ka furay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlayo horumarinta xirfadleyaasha Caafimaadka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay kor u qaadidda tayada xirfadleyaasha caafimaadka dalka iyo sidii loo heli lahaa dhaqaatiir buuxisa baahida caafimaad ee dalkeenna ka jirta.

“Hadaanu nahay Xukuumada Federalka Soomaaliya gaar ahaan Tiirka Arimaha Bulshadda waxaan indha durugsan ku eegaynaa adeegga Caafimaadka si lamida midka waxbarasha maadaama aan Caafimaad la’aantiis hogaanka Soomaaliya uuna  hadli karin”.ayuu yiri RW ku xigeenka dalka.

Shirka oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa lagu lagu falanqeyn doonaa sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaadka oo adkaysi iyo tayo leh, kuwaasoo muhiim u ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo gaaray heshiis dan u ah labada dal (Daawo Sawirada)

admin

Ibraahim Sheekh Aadan & hubbkiisa oo isku soo dhiibay ciidanka XDS (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsade UN-ka sheegeen in gaarigiisu isqarxinayo oo Magdhaw dalbaday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---