Ganacsade UN-ka sheegeen in gaarigiisu isqarxinayo oo Magdhaw dalbaday (Sawirro)

Qoraal digniin ah oo oo la sheegay in uu kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in gaari nuuciisu yahay Surf sumadiisuna tahay AH 2737  uu 5-ta ilaa 8-da bishan Maarso isku qarxinayo xarumo Wasaaradeed iyo Hoteelo kuyaala Muqdisho.

Gancasade Ciise Xaaji Cabdullaahi Faarax oo Warbaahinta kula hadlay Muq              disho ayaa sheegay in gaariga UN-ka sheegeen in uu is qarxinayo uu isagu leeyahay, waxa uuna been abuur ku tilmaamay in gaarigiisa qarax iyo waxyaabo lamid ah loo adeegsanayo.

Waxa uu sheegay Ganacsadaha in gaarigiisa markii labaad laga been abuurtay ayna sheegeen UN-ka in uu wado waxyaabaha qarxa, waxa uuna tilmaamay in UN-ka halis galiyeen noloshiisa iyo waliba ganacsigiisa.

Ganacsadahan ayaa sheegay in gaarigiisa uu geeyay xarunta CID-da halkaasna lagula sameeyay baaritaano kala duwan lana fasaxay, waxa uuna cadeeyay in sidoo kale Wasaarada gaadiidka cadeesay in gaariga aan waxba laga bedelin uuna sax yahay matoorkiisa iyo taargadiisa.

‘’Waxaa nasiib daro ah in UN-ka soo qaataan qoraal uu nin Facebookiisa ku qoray sanadkii 2019-kii uu ku sheegayo in gaarigan isku qarxinayo Muqdisho, waxa ayna UN-ka isbuucan direen digniin ay ku sheegayaan in gaarigeyga oo sumadiisu tahay AH 2737 isku qarxinayo Muqdisho., UN-ka waa beenayaal aan warkooda la qaadan Karin, waxa ayna halis galiyeen nolosheeda iyo ganacsigeyga’’ ayuu yiri Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle.

Ganacsade Ciise Xaaji ayaa ka dalbaday Hay’adda Qaramada Midoobay in magdhaw ka siiso been abuurka gaarigiisa ku sameeyeen taa uu tilmaamay in halis galisay, waxa uuna ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay wax ka qabato been abuurkan lagu sameeyay.

Dhinaca kale Nabadoon Cismaan Caraale Jeyte oo ah Nabadoonka ganacsadaha gaarigiisa lagu been abuurtay ayaa sheegay in been abuurkaasi uu yahay mid aad looga naxo, waxa uuna dalbaday in UN-ka magdhaw deg deg ah ka bixiyaan halista ay galiyeen ganacsade Ciise Xaaji.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in gaariga laga been abuurtay uu yahay mid gadaashiisa yaala, waxa uuna halkaasi ka cadeeyay in masuul ka yahay gaarigaasi iyo ganacsadaha iska leh waxii dhib ah oo ka yimaadana uu isagu masuul ka yahay.

Gaarigan ayaa markii labaad looga been abuurtay in lagu fulinayo weerar ismiidaamin ah, waxaana ganacsadaha gaariga leh Warbaahinta usoo bandigay cadeymo muujinaya gaarigaasi oo horey dambi loogu waayay ayna fasaxeen CID-da iyo qoraaladii kala duwanaa ee gaarigaasi laga faafiyay.

- Advertisement -