Allbanaadir.com
NEWS

Ibraahim Sheekh Aadan & hubbkiisa oo isku soo dhiibay ciidanka XDS (Sawirro)

Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Waxa uu ka waramay sababta uu al shabaab uga soo haray, isagoo sheegay in nolol liidata ay duurka ku heysato xubnaha ku haray kooxdaas,

Waxaa uu sheegay inuu muddo dheer ku haminayey sidii uu mar uga soo fakan lahaa kooxdaas ugu dambeyna ay maanta u suuragashay.

Ibraahim ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa ay kuwada jireen safka inay iskaga soo baxaan, kana daayaan dhibta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa si kordhaya dagaalyahanada ka tirsan Al shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada DF iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dib markii kooxda gacanteeda laga saaray dhul baaxad leh oo ay ka joogeen bartamaha Somalia.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo wadahadal la yeeshay Sheekh Sabaax Al Khaled Al Xamad

Cabdi Cade

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Banaan bax la qorsheeyay in uu ka dhaco Muqdisho oo la fashiliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---