Dowlada Itoobiya oo si kulul uga hadashay Wararka sheegaya jirdilka Cabdi Max’uud Cumar

Dowladda Itoobiya ayaa si kulul u beenisay in la jirdilay madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ku jira xavsi ku yaalla magaalada Addis ababa.

Warar laga helay ehelada Madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya inay la kulmeen Iyadoo Cabdi lagu jirdilayo xabsiga uu ku xiran yahay.

Diib Mahad Colow oo ah Cabdi Maxamuud hooyadiis ayaa tiri “Way jiideen, wuuna miyir beelay, meel wasaq ah ayayna ku tureen, warna kama hayo inuu dhintay iyo in kale, waanan isaga soo tagnay”.

Xaaska Cabdi Maxamuud Cumar Sadiiqa Cabdi Ismaaciil, ayaa iyana sheegtay in iyagoo cuno u geeyey ay arkeen askar garaacaysa Cabdi Maxamuud Cumar kana soo tuurtay jaranjarada dhismaha halkii uu ku xirnaa.

Hase ahaatee Taliyaha Booliska federaalka ee Itoobiya, Jeneraal Zeyinu Jemal ayaa sheegay inay been tahay eedeyntaas aysana jirin wax dhibaato ah oo loo geystay Cabdi Maxamuud Cumar.

“Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayaanu ula dhaqmaynaa” ayuu yiri”.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka cabanayey xanuuno kala duwan oo ku dhacay, waxaana taliyuhu sheegay in xarun caafimaad oo xabsiga ku dhex taalla ay xaaladiisa la socoto.

“Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey taliyaha oo ka hadlayey in isbitaal loo ogolaaday iyo in kale.

Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran, iyadoo ehelka Cabdi ayaa sheegay in loo diiday inay qaataan damaanad uu banaanka ku joogo inta dacwaddu ay socoto.

Maxkamaddii hore ee la saaray ayaa ogolaatay in 14 maalmood xabsiga lagu hayo inta la dhamaystirayo caddaymo ay dacwad oogayaashu maxkamadda hor keeni doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -