Qarax ka dhacay Magaalada Beladweyne & Wararkii ugu dambeeyey

Qarax xooggan ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawo oo ka tirsan Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan kaasoo lala beegsaday ciidamada Jabuuti lagula eegtay ee magaalada B/weyne.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada lagu aasay lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa inuu ciidamada Jabuuti ka soo gaaray qaraxaas oo daryankiisa laga maqlay magaalada Belad-weyne inteeda badan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Ciidamo dheeraad ah oo Jabuutiyaan ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxu, waxaana ay halkaasi ka qaadeen askarya waxyeeladu soo gaartay, lamana sheegin dad rayid ah oo qaraxaas wax ku noqday.

Al-Shabaab oo looga bartay weerarada noocan ah ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska ciidamada AMISOM aysan illaa hadda ka hadlin weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -