Faahfaahin: Masuul ka tirsan Jubbaland oo ku dhaawacmay qaraxii Kismaayo

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay masjidka Qadiim ee magaalada Kismaayo hortiisa ka dib markii uu halkaas isku qarxiyey qof xirnaa jaakad laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Waxaa qaraxaas si xun ugu dhaawacmay dhowr qofood oo uu ku jiro Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, waxaana ku dhintay labo qof oo la sheegay iney ka mid ahaayeen ilaaladiisa.

Guddoomiye Raabi oo sida muuqata ahaa bartilmaameedka qaraxan ayaa loola cararay isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasoo imika xaaladiisa lagula tacaalayo, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in dhaawaca masuulkan uu yahay mid halis ah, uuna ku jiro xaalad miyir beel ah ama Kooma.

Maamulka Jubbaland ayaan illaa hadda war ka soo saarin qaraxan oo sidoo kale aysan jirin cid sheegatay inkastoo noociisa looga bartay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -