Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo u hanjabay Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada ICC

Mareykanka ayaa Maxkamadda Caalmaiga ah ee Dambiyada ugu goodiyay in uu cunaqabatayn ku soo rogi doono hadii ay sii waddo dacwadda ka dhanka ee muwaadiniinta Mareykanka.

Maxkamadda ayaa haatan tix galinaysa in dacwad lagu qaado niman Mareykan ah oo tacaddiyo u geystay maxaabiis reer Afghanistan ah.

La taliyaha dhanka amniga ee Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in Mareykanka uu sameyn doono waxkasta “oo uu ku difaacayo muwaadiniinteena”.

Mareykanka ayaa ka mid ah waddamada aanan sixiixin in ay ku biiraan Maxkamadda Caalamiga ah oo la aasaasay 2002.

Maxkamadda ayaa baarta oo cadaaladda hor keenta dadka ka mas’uulka ah xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah bini’aadanimada iyo dambiyada dagaalka.

Khudbad uu ka jeedinayay magaalada Washington ayuu Mr Bolton ku sheegay: “Haddii maxkamadda ay ka hor timaaddo Mareykanka, iskama aamusi doonno”.

Xaakimiinta iyo dacwad oogeyaasha ee ka hawl gala Maxakamadda ICC waxaa laga mamnuuci doonaa in ay soo galaan dalka Mareykanka sidoo kalana waxaa la laga cunaqabatayn doonaa lacagohooda u yalla Mareykanaka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Munaasabad xalay ka dhacday Villa Somalia & Farmaajo oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wax badan ka Ogow Rajada Xasan Sheekh ka qabo in Mar kale Madaxweyne dalka ka noqdo

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay nin gaadiidka Qaraxyada ku xiri jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---