In ka badan 2,500 oo arday oo fariisatay imtixaanka qabuulka ee Jaamacada Soomaaliya (Daawo Sawirada).

Waxaa Xarumaha Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho & deegaanka Ceelasha Biyaha ee dagmada Lafoole ka bilowday imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacada Soomaaliya sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen 2,547 arday.

Gudoomiye k/xigeenka Jaamacadda Soomaaliya Dr. Hussein Osman Ahmed ayaa sheegay in Jaamacada sanadkan ay iska diiwaan geliyeen arday ka badan 2500-arday oo dhamaantood ka soo qalin jabiyay dugsiyada sare ee dalka, gudoomiyaha oo hadal kiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ay wali socoto diiwaan galinta ardayda cusub.

“waxaa aad ugu mahadcelineynaa araydii nagu aamintay mustaqbalkooda & waalidoontooda waxaa u rajeyneynaa in ay ka aflaxi doonaan Jaamacadda, dhankeena waxaa idiin balan qaadeynaa in aad naga heli doontaa waxbarasho tayo leh & aqlaaq wanaagsan” ayuu yiri Dr. Hussein Osman Ahmed.

Jaamacada Soomaaliya ayaa Sanad walba xiligan oo kale waxaa ku soo biira kumanaan arday ah oo soo dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare ee dalka, dhinaca kale sanad walbe waxaa ka qelin jebiya arday farabadan oo muddo sanado ah soo dhiganaaya kuliyahadaha kala duwan ee Jaamacdda.

Gabgabadii ixtixaanka waxaa dareenkoda lawadaagay warbaahinta ardaydii soo xaadirtay imtixaanka, waxeyna sheegen in ay ku faraxsanyiihin in ay ka midnoqdaan ardayda soo dooratay Jaamcadda Soomaaliya oo ka mid ah Jaamcadaha ugu waaweyn dalkeena.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -