Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu RW Xamse kala hadlay Guddoonka & Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS,

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta  ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa  ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah , waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan  shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Xukuumadda Dan-Qaran ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in  ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halkuu ku dambeeyay Qorshihii la doonayay in Muqdisho lagu keeno Hogaanka Ahlu Sunna ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foster

Cabdi Cade

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---