Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foster

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada deegaanada Hirshabeelle looga ciribtirayo kooxda alshabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo waaweyn.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xureeyay kooxda alshabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee dowladda.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay wakiillo katirsan beesha caalamka.

 

Related posts

Kulan ay yeesheen Rooble & Madax Goboleedyada oo go’aan culus laga soo saaray

Caydiid Ali

Haweeney dil ay u adeegsatay xarig maanta Muqdisho ugu geesatay ninkeeda oo askari ahaa

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---