Halkuu ku dambeeyay Qorshihii la doonayay in Muqdisho lagu keeno Hogaanka Ahlu Sunna ?

Waxaa shalay ilaa xalay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ka socday kulamo xasaasi ah oo looga arinsanayay dagaalkii magaaladaasi ka dhacay ee sababay in dowlada isku soo dhibaan hogaanka Ahlu sunna iyo ciidankooda.

Waxaa sidoo kale kulamada ka socday magaalada Dhuusomareeb looga arinsanayay sida laga yeelayo hogaanka Ahlu sunna ee diidanaa jiritaanka maamulka uu hogaamio Madaxwene Qoor Qoor sidoo kale dagaal la galay ciidanka dowlada.

Sida aan wararka ku heleyno kulamadii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ayaa qaarkood kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii uu culees soo food saaray qorshihii la doonayay in magaalada Muqdisho loogu soo qaado Hogaanka Ahlu sunna.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ka biyo diideen in Muqdisho loo qaado, waxaa sidoo kale kasoo hor jeestay in magaalada Muqdisho loo qaado hogaanka Ahlu sunna saraakiisha ciidanka milatariga ee hada gacana ku haya gaar ahaan Jen Mascuud.

Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in uu dalbaday in la geeyo deegaanada maamulka Puntland, hasa ahaatee waxaa arintaasi kasoo horjeestay maamulka Galmudug , lamana oga in dalabka Sheekha la ogolaan doono iyo in kale.

Qorshaha lagu doonayay in magaalada Muqdisho lagu geeyo Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa waxaa sidoo kale kasoo horjeestay Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda magaalada Dhuusomareeb.

Hogaanka Ahlu sunna ayaa hada la dejiyay guri gaar ah oo kuyaala magaalada Dhuusomareeb, waxaana halkaasi amaankooda ku ilaalinaya ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad.

Maamulka Galmnudug ayaan wali wax war ah kasoo saarin sida laga yeelayo Hogaanka ahlu sunna ee is dhiibay, dowlada federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadlin dagaalkii Dhuusomareen iyo is dhiibida Hogaanka Ahlu sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -