Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada dalka Sweden (Daawo Sawirada)

Waxaa wali socota tirinta codadka doorashada Dalka sweden oo inta badan lasoo afjaray waxana hada haray codadka dadka ku sugan dalka dibadiisa oo la filayo in maalinta arbacada lasoo dhameeyo ugu danbeyn.

Sida aan wararka ku helayno Codadka la tiriyay ayaa si toos ah loogu dhawaaqidoonaa maalinta Arbacada madama codadka horay loo helay ay yihiin kuwa isku mid ah ama isku dhow.

Sidoo kale waxaa maanta la sugayo in la shaaciyo waqtiga lagu dhawaaqayo doorashada sida ay u dhacday laakin waxaa dhanka kale muuqata in xisbiyada isbaheestay ay yihiin kuwa isku mid ah ama isku dhow dhanka doorashada tusaale kuwa Rödgröna ayaa heesta 144 halka kuwa kale ee Alliansen ay heestaan 142.

Dhanka kale xisbiga Sverigedemokraterna ayaana helay fursad uu garab ku siinkaro xisbiyada Alliansen isagoo durba u diray codsi inkastoo aysan kasoo jawaabin codsigaasi.

Ugu Danbatii Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaa ku wargaliyay Hogaamiyaasha Labda Xisbi ee Moderaterna iyo Kristdemokraterna taasi oo ku aadan dhismaha Dowlad wada jir ah.

“labada dhinac waxaa ka dalbanayaa dhismaha dowlad wada jior ah wuxuna intaasi ku daray in aan ka qeyb qaadanayo dhismaha madama aan heesto saami feecan” ayuu yiri Jimmie Åkesson oo ah hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna;
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -