Booliiska oo shaaciyay in Muqdisho ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab (Akhriso Magaca)

Howlgal ciidanka booliiska Soomaaliya ka fuliyeen xaafad katirsan Degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in ay ku dileen sargaal katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab sidoo kale sadex dagaalyahan kale oo dhaawac ah ciidanka soo qabteen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidanka booliiska howlgal gaar ah ku dileen  Abuuker Xasan Caddde (Sayid Abuukarey) uu sheegay in uu kamid ahaa Amniyaadka Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Booliiska in sargaalkan ay ciidanka dileen Al Shabaab u qaabilsanaa amniyaadka qeybta bari ee gobalka Banaadir, wuxuuna xusay in si gaara uga howlgali jiray Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa marar badana ciidanka ka baxsaday.

“Ciidanka Booliska waxay maanta ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah Maleeshiyo la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen”.ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir.

Afhayeenka booliiska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in sargaalkan ciidanka dileen uu horey dilal kala duwan ugu geestay dad ay ku jiraan 3-Masuul, 5-Askari, iyo 23-ruux kale uu sheegay in ay shacab ahaayeen.

Booliiska Soomaaliya oo dhawaan lagu soo biiriyay ciidamo katirsanaa Nabad sugida ayaa bilaabay in ay howlgalo ka fuliyaan xaafado katirsan magaalada Muqdisho ay tuhmayaan in ay joogaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -