Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ilhaan Cumar oo loo dhaariyey xubinimada Congresska Maraykanka (Daawo Sawirro)

Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey in ay ka mid noqoto mudanayaasha xisbiga demoqraadiga ee Aqalka Wakiilada labada sano ee soo socota, markaasoo ay dib u tartami doonto.

Ilhaan waxa ay ka mid noqoneysaa Kongareska 116-aad ee dalkan Maraykanka. Dadka Muslimka ah iyo Somaalida Maraykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey guusha ay Ilhaan gaartey.

Waxay boggeeda Twitter-ka kusoo qortay in awoowgeed uu ku dhiira geliyay damaceeda ah inay siyaasadda heer sare ka gaarto.

Waxay sheegtay in maanta uusan nasiib u yeelan inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiga ah ee lagu caleemo saarayay.

Nancy Pelosi oo ah haweeney hore Afhayeen uga soo noqotay Aqalka Congreska ayaa marka kale loo doortay inay noqoto guddoomiyaha Aqalka Congresska oo ay ku badan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay oo Soomaali ah oo loo doortay xildhibaan aqalka Koongareska Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin amni oo loo diray shacabka kunool deegaannada Puntland

Cabdi Cade

Daacish oo Weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday Ciidanka Puntland ee…

Cabdi Cade

Afwerki oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya & ciidankii lagu soo tababaray dalkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---