Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad ka dhan ah Jarmalka oo hub ku taageeray Israel oo loo gudbiyay Maxkamadda ICJ

Dowladda Nicaragua ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Jarmalka u gudbisay maxkamadda dambiyadda caalamiga ah ee ICJ, waxaana Jarmalka lagu dacweeyay in uu hub ka iibiyay maamulka Israel oo xasuuq ka geestay magaalada Gaza.

Garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaana maanta la filayaa in ay jawaab ka bixiyaan dacwada ay dowladda Nicaragua ka gudbisay Jarmalka , oo kamid ah dowladaha Israel ku taageeray howlgalka xasuuqa ee Gaza ka socda.

Dowladda Jarmalka ayaana lagu eedeeyay in ay jabisay heshiiskii ilaalinta xaquuqda aadanaha, sidoo kale wax caadi ah ka dhigtay dilka iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ee Gaza kunool.

War kasoo baxay dowladda Jarmalka ayey ku beenisay eedeymaha loo soo jeediyay, waxa ayna dowladda sheegtay in aysan jirin wax rasaas iyo madaafiic ah oo ay u dhoofiyeen Israel tan iyo waxii ka dambeeyay bishii October ee sannadkii hore.

Dowladda Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn Isreal ugu taageeray duullaanka ay ku qaaday magaalada Gaza, waxaana Jarmalka sidoo kale lagu eedeenayaa in si qarsoodi ah hub culus ugu dhoofiyay Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Goodax oo gaaray Belad-weyne & Dabageed oo 72 Saacadood loo qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

AMISOM oo ku dhawaaqday howlgal cusub & Al-Shabaab oo War cusub soo saartay

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ah oo fagaare ku dhunkaday haweeney & muran ka dhashay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---