Jilaa Caan ah oo la toogtay xili ay kusii jeeday goobteeda shaqada

Jilaa Caan ah oo u dhalatay dalka Afgaanistan ayaa la toogtay xili ay kusii jeeday goobteeda shaqada, waxaana weerarka lagu toogtay gabadhan jilaaga ah ka dambeeyay sadex nin oo hubeesan.

Saba Sahar oo 44-sano jir ah kana mid ah Jilaayaasha ugu caansan dalka Afgaanistan ayaa rasaas culus la huwiyay gaari ay la socotay, waxaana haweeneydan soo gaaray dhaawacyo iyadoona lagu daweenayo isbitaal kuyaala magaalada Kabul.

Seyga gabadhan Jilaaga ah oo lagu magacaabo Emal Zaki,ayaa Warbaahinta u sheegay in xaaskiisa la weeraray xili ay kusii jeeday goobteeda shaqada, waxaana rasaasta la huwiyay kasoo gaaray dhaawac dhanka caloosha ah oo qaliin looga sameeyay.

Gabahan Jilaaga ah oo sidoo kale katirsan saraakiisha booliiska Afgaanistan ayaan la ogeyn cida ka dambeesay weerarka lagu dhaawacay, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday Saba Sahar.

Hay’adda u dooda xuquuda aadanaha ee  Amnesty International ayaa walwal ka muujisay weerarada lagu hayo jilayaasha filimada, kuwa u ololeeya siyaasadda iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee gudaha dalka Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -