Allbanaadir.com
NEWS

Labo Senator oo kamid noqonaya Aqalka Sare oo goordhaw Muqdisho lagu doortay

Waxaa saakay teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho dib uga bilaabatay doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana maanta qorshuhu yahay in la doorto shanta Senator ee ka haray xubnaha Somaliland leedahay.

Kursigii ugu horeeyay oo saakay doorashadiisa ka dhacday teendhada Afisiyooni waxaa ku guuleestay Senator Siciid Cabdi Xasan oo loogu codeeyay qaab gacan taag ah kadib markii uu u tanaasulay musharaxii la tartamayay Jaamac Cabdillaahi.

Senatorkan goordhaw guuleestay ayaa horey uga mid ahaa Xildhibaanada Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, waxa uuna mar kale nasiib u yeeshay in dib loo doorti afar sano kale uu kasii mid ahaan doono Aqalka Sare .

Waxaa sidoo kale goordhaw loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare Naciima Xasan Xaaji Maxamuud oo heshay 30-cod halka Muno Cumar Xasan oo kursigaan horay ugu fadhisay ay heshay 13  Cod.

Afarta kursi kale ee maanta doorashooda dhaceyso ayaa labo kamid ah waxaa ku tartami doona dumar, waxaana la filayaa in maanta lasoo gaba gabeeyo doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray digniin ku socota guryaha & Garaashyada

Caydiid Ali

Ciidamada NISA oo Muqdisho ku qabtay Hub badan iyo Xubno katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Abuu Cubeyda oo ka soo muuqday shir xasaasi ah oo u soo xirmay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---