Allbanaadir.com
NEWS

Lacago Shilin Soomaali ah oo lagu boobay magaalada Khartuum iyo DF oo ka hadashay

Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dalkaasi iyo ciidamada RSF, dagaalka ayaana sababay in magaalada isaga baxaaan diblumaasiyiintii shisheeye iyo inta badan dadkii magaalada degnaa.

Caasimadda Sudan iyo magaalooyin kale waxaa ka socda boob iyo dhac ay geesanayaan kooxo hubeesan iyo dad shacab ah, waxaana goobahay la boobay ku jira xarumo safaaradeed oo kuyaallay magaalada Khartuum halkaas oo laga qaaday agabyo kala duwan.

Lacago shilin Soomaali ah oo dowladda Sudan u daabacsay Soomaaliya ayaa lagu bililiqeestay magaalada Khartuum, waxaana qeybo kamid ah lacagahan la qaatay lagu arkay waddooyin kuyaalla magaalada Khartuum.

Safiirka Soomaaliya u joogay  Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq  ayaa sheegay in lacago shilin Soomaali ah oo daabacnaa lagu bililiqeystay magaalada Khartuum, kaddib markii loo dhacay goobtii lacagtaasi ku xareesneed.

”Cid joogto oo waardiyeyneysa majirto safaarada, marka laga reebo askarigii oo dharka inta iska bedelay oo meel guri u dhow safaarada ku jiro oo aan bixin karin, qorina aan qaadan karin . Safaaradeena gooni umaha ee safaaradaha kale oo dhan ayaa saas ah” ayuu yiri safirka.

Safiirka ayaana sheegay in horey safaaradda labo mar oo kale duwan loo galay, waxa uuna tilmaamay in dhismaha safaaradda laga qaatay dukumiintiyo kala duwan oo yaalay ,halka uu tilmaamay in qaar kamid ah dukumiintiyada laga tagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga & QM oo war ka soo saartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Interpol (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiye Mursal oo shaaciyay in Baarlamaanka Soomaaliya sii shaqeyn doonaan ilaa …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---