Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Mursal oo shaaciyay in Baarlamaanka Soomaaliya sii shaqeyn doonaan ilaa …

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta gudoomiyay shir ay yeesheen Xildhibaanada ayaa shaaciyay in Baarlamaanka waqtigiisa gabo gabada yahay sii shaqeyn doono ilaa laga helo Baarlamaan cusub oo bedela.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Maxamed Mursal in Baarlamaanka uu Gudoomiyo ay sii shaqeyn doonaan ilaa laga soo doorto lana dhaariyo Baarlamaanka 11-aad ee badalaya kan hada shaqeeya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wargaliyay Xildhibaanada in waajibaadkooda gutaan , waxa uuna xusay in Baarlamaanka shaqooyin badan oo horyaala sii gudan doonaan inta Baarlanaan cusub ka yimaado.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee hada shaqeeya ayaa mudo xileedkooda waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana muuqata in bishan aan lasoo dooran doonin Baarlamaanka 11-aad ee badalaya midka waqtigiisu dhamaadka yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee looga ciiday degaanada Al-Shabaab oo ay ku jirto degmada Ceelbuur? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka & bahda Allbanaadir Online oo shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeynaya Ciidul-adxaa

Caydiid Ali

Dagaal Caawa ka dhacay Degmada Afgooye iyo Faah faahino kasoo baxaya

admin