Xildhibaan Warsame Joodax oo Hadal heyn badan ka abuuray Warbaahinta iyo Baraha bulshada

Waxaa xalay warbaahinta iyo baraha bulshada si weyn looga dareemayay hadal heyn uu abuuray Xildhibaan Warsame Joodax oo katirsan golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaana shalay galab isaga oo wehliya siyaasiyiin kale waxa ay tageen guriga uu xaafada Shiirkole ka degan yahay Janaraal Saadaq Joon oo hub iyo ciidan halkaasi ku aruursaday si ay taageero ugu muujiyaan.

Warsame Joodax oo Warbaahinta kula hadlay guriga Xildhibaanka ayaana taageero balaaran iyo garab istaag u muujiyay Saadaq Joon , waxa uuna ka digay in ciidamada dowlada ay weerar ku qaadaan sargaalkaasi.

Xildhibaanka ayaana mar kale saacado kadib kasoo muuqday shir jaraa’id ay qabanayeen Xildhibaano taageersan dowlada oo lagu cambaareenayay abaabulka dagaal ee ka socda xaafada Shirkole laguna eedeenayay Xildhibaanada taageeray Saadaq Joon.

Baraha bulshada ayaana siweyn loogu wadaagay muuqaalka Xildhibaanka oo labada dhinacba kasoo muuqday saacado gudahood isaga oon xitaa iska bedelin dharkii uu kaga soo muuqday Warbaahinta markii uu guriga Saadaq Joon tagay.

Hadal heynta ugu badan ee xalay iyo saakay ee baraha bulsdhada ayaana noqotay talaabada uu qaaday Xildhibaan Warsame Joodax oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen, iyadoona dadka qaar ku tilmaameen labo wajiile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -