Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda jeedinaya khudbad xasaasi ah

Kalfadhigii Afraad ee Golaha shaca1bka Qaranka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ii si rasmi ah u furayo sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, dhammaan xubnaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Sidoo kale kulanka waxaa la filayaa inuu ka qeyb galo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan sharafeed aan cod laheyn kaasoo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Golaha Shacabka ayaa fasax galay 10-kii bishii July waxaana hor yaalla sharciyo kala duwan oo muhiim u ah dalka, kuwaasoo u baahan in la meelmariyo.

Amaanka xarunta golaha shacabka ayaa si weyn loo xoojiyey, iyadoo ciidamada amaniga ay xireen jidadka soo gala xarunta golaha shacabka Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -