Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaarihii hore ee Itoobiya & afhayeenka ONLF oo Addis ababa ku kulmay (Daawo Sawirro)

Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa Magaalada Addis ababa kula kulmay Ra’isal Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Kulanka labada masuul oo ahaa mid xasaasi ah ayaaney suuragal aheyn bilo ka hor iney kulan noocan ah yeeshaan.

Faahfaahin badan lagama bixin kulanka labada masuul iyo waxyaabaha looga hadlay balse waxaa wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu kulankooda ugu faraxsan yihiin.

Dowladii uu hogaaminayey Ra’isal Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa dhowr mar magaalada Nairobi wadahadalo kula gashay madaxda Jabhada ONLF, kuwaasoo ku dhamaaday guuldaro ka dib markii la isku mari waayey qodobada laga wada hadlay qaarkood.

Isbedelada dhowaan ka dhacay dalka Itoobiya ayaa sababay in baarlamanka dalkaas uu liiska argagixada ka saaro dhamaanba kooxihii mucaaradka ahaa ee dagaalka kula jiray dowladda Itoobiya, kuwaasoo ay ku jirtay jabhada ONLF, waxayna arintaas horseeday in madaxda jabhaddan ay tagaan magaalada Addis ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah dalalka Yurub oo sharci daro ka dhigay in la gubo Qur’aanka kariimka

Caydiid Ali

Wasiir Haruse oo ka qeyb galay Shir Arrimo taagan looga hadlay oo ka dhacay Masar (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo gadoodsan oo maanta la wareegay garoonka Diyaaradaha Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---